FARXIYA FISKA AND QEYS ILKACASE 2014 HEES CUSUB KOOBKII CAASHAQA KABOO HOO II KABOO - Video
PUBLISHED:  Mar 18, 2014
DESCRIPTION:
www.deeyoo.com: Subscribe Us Thanks FULL LYRICS DOWN HERE. Farxiya Fiska iyo Qeys Ilkacase ayaa soo saaray Heestan magaceedu yahay KOOBKII CAASHAQA ee dhageysi Wanaagsan.

FULL LYRICS.

# QEYS

Sidii keymaha dhulkoo

Ku hooray karada roob

Dhirtoo mirihii ka baxay

Ubuxu kala nooc yahay

Eegmada kugu sii hayaa

Kalgacal kuu daawadaa

Kurbadu ha inaga hartee

Nafteena aan kaafinee

Allow kasbanaa aroos

Ku kulanaa raas qaboow

Kaboo hoo ii kaboo

Caanaha ramad dhalay kaboo

Kaboo Fiskeey kaboo

Kaboo malabkii shinida

# FISKA.

Kal hore loo sheegyayoo

Kun bey gabar showrisaa

Koow bey kala aqal gashaa

Kurtood ragga sharafta badan

Adaan kaala soo baxoo

Aniga kaligaa ku jecel

Kalgacal laba kala heshaa

Nolosha isla kaashatee

Kalsoonina ila abuur

Kashiyo laabtana i saar

Kaboo hoo ila kaboo

Koobkii caashaqa kaboo

Kaboo aan kabeysanee

Kaboo Qeysoow kaboo.

# QEYS

Rajadu keyd bey ii ahayd

Hablaha waan kaa jeclaa

Xasuustaan kaa go'eyn

Intaan kaligey rogrogay

Habeenkoo kala bar tagay

Hurdada meeqaan ka kacay

Korkaad ii saarantahay

Adaa koolkoolin iyo

Karaama agteyda ku leh

Kashiyo laabtaada i saar

Kaboo hoo ii kaboo

Caanaha ramad dhalay kaboo

Kaboo FISKEY kaboo

Kaboo malabkii shinida.

# FISKA

Kas iyo maan bey ahayd

Inaan kalmadaha macaan

Qalbiga kaa siiya oo

Intaan kuu kala dhigdhigo

Ku iri kaama maarmayee

Anaa kaligaa ku jecel

Hurdada kalinimo ma lado

Ka tagay anfacada dhamaan

Naftaan kuu soo go'daan

U kaalay ku leeyahayee

Kaboo hoo ii kaboo

Koobkii Caashaqa kaboo

Kaboo aan kabeysanee

Kaboo QEYSOOW kaboo.
follow us on Twitter      Contact      Privacy Policy      Terms of Service
Copyright © BANDMINE // All Right Reserved
Return to top